DF & beesha caalamka oo maanta shir xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Dowlada Somalia iyo beesha caalamka ayaa maanta lagu wadaa iney Muqdisho ku yeeshaan kulan xasaasi ah oo looga hadlayo dhaqaalaha ku baxaya Doorashada 2020/2021

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Ujeedada kulanka ay tahay sidiidowladu uga heli lahayd beesha caalamka lacagta ay u qorsheysay in lagaga caawiyo qabashada doorashada oo gaareysa $36 milyan oo dollar.

“Lacagta ku baxeysa doorashada waxay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan” ayuu yiri Wasiirka

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha loo adeegsanayo lacagtaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo  heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka shaqaalaha iyo ergooyinka.

Beesha caalamka ayaa saluugsan nidaamka ay DF dooneyso iney u qabato doorashada oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay, waxayna beesha caalamku marar badan ku celcelisay ineysan aqbaleyn doorasho aysan isla ogoleyn mucaaradka iyo DF taasoo aan hadda muuqan, waxaana adkaan doonta in DF la siiyo dhaqaalaha doorashada inta laga xalinayo is maandhaafka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -