Wasaarada arrimaha Dibeda Turkiga oo War ka soo saartay doorashada Xassan Shiikh

Dowladda Turkiga ayaa soo dhoweysay isbedelka ku dhacay hogaanka dowlada  Somalia, iyadoo u hambalyeysay Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ku faraxsannahay in doorashadii madaxtinimo ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee qabsoontay 15-ka May 2022 ay si guul ah ku soo dhamaatay. Waxaan u hambalyeyneynaa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u rajeyneynaa guul inta uu xilka hayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga

“Waxaan muhiimad gaar ah siineynaa nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya oo uu nagala dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo qoto dheer, waxaana rajeyneynaa in natiijada doorashada ay noqoto mid u horseeda shacabka Soomaaliyeed guulo iyo horumar” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka

Sidoo kale Turkiga waxaa uu sheegay inuu sii wadi doono garab istaagga iyo taageeridda Federaalka Dowladda Soomaaliya si ay u abuurto amni, xasilooni iyo barwaaqo.

Turkiga ayaa saaxiibka ugu weyn dowlada Somalia, isagoo ka caawiya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada, amaanka,  mashaariicda dib u dhiska iyo taageerida heyaddaha dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -