Muddo xileedkii labada Aqal ee Baarlamanka Somalia oo maanta dhamaaday

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Disembar ku eg muddo xileedka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia

Maanta oo kale Afar sano ka hor ayey aheyd maalintii la dhaariyay labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka 10aad ee haatan waqtigiisu dhammaaday ayaa xilka sii heynaya inta laga dhaarinayo Baarlamaanka 11aad, si aanay u dhicin firaaq ku yimaada hey’addaha dastuuriga.

Baarlamanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ku fashilmay waajibaad badan oo laga rabay inuu fuliyo, halka qaar kalena uu ku guuleystay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili weli dowlada federaalka iyo dhinacyada siyaasada dalka ay isku maandhaafsan yihiin qaabkii loo wajihii lahaa doorashada soo socota iyo wax ka bedelka guddiga doorashada heer Federaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -