Dufcadii 6aad oo ka qelin jebisey taqasuska Caafimaadka Bulshada ee Jaamacadda Benadir (Sawirro)

Dufcadii 6aad ayaa dhameystay Waxbarashada taqasuska Caafimaadka Bulshada (Master of Puplic Health) ee Jaamacadda Benadir, iyadoo Munaasabad arrintaas la xiriirta lagu qabtay xarunta Kambaska Ibrahim Caddow ee Jaamacada oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Benadir, xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Somalia, aqoonyahano, arday iyo marti sharaf kale.

Aqoonyahanada dhameystay qeybta Masterka Caafimaadka bulshada ayaa ka koobnaa 15 arday oo isugu jiray hablo iyo wiilal, waxayna sidoo kale difaacdeen buugga qelin jebinta, iyagoo Munaasabadan ku soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan ay ka soo sameeyeen xaaladaha Caafimaad ee ka jira qeybo ka mid ah magaalada kuwaasoo si cilmiyeysan loo soo diyaariyey.

Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo ah Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir, ahna xiriiriyaha qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir oo ka hadlay munaasabadan ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qelin jebisay qeybta Waxbarashada heerka labaad.

“Tayada sare iyo habka quruxda badan ee loo soo diyaariyey cilmi baarisyada halkan laga jeediyey ayaa aad ii soo jiitay, waxaad leedihiin mustaqbal aad u fiican dedaalkiina halkaas ka sii wada” ayuu yiri Dr. Tahliil Cabdi Afrax.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof/Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Biday) oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sheegay Iney yihiin Dufcadii 6aad ee ka soo baxda taqasuska Caafimaadka bulshada taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda.

“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir (Master) ka qelin jebisay dufcadii 6aad ee dhameysta taqasuska Caafimaadka bulshada kuwaasoo ka kooban illaa 15 arday oo isugu jira 10 Hablood iyo 5 Wiilal ah, waama idinkugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dr. Biday ayaa ka waramay muhiimada uu leeyahay taqasuska Caafimaadka bulshada iyo kaalinta uu kaga jiro horumarinta Caafimaadka guud.

“Dhaqaatiirta ku taqasusay Caafimaadka bulshada mar walba dhibaatooyinka caafimaad xumo ee jira wey kaga xog ogaalsan yihiin dhaqaatiirta kale Maxaa yeelay dadka ayey ku dhex jiraan, waana dhaqaatiir ay baahi weyn u qabaan dadkeena oo looga baahan yahay illaa gobol, degmo iyo tuulo” ayuu yiri Dr. Biday oo kula dardaarmay ardayda qelin jebisay in aqoonta ay barteen ay wax ugu qabtaan bulshadooda, siina xoojiyaan.

Senator. Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah Madaxda qeybta daraasaadka sare ee Jaamacadda Benadir ahna guddoomiyaha guddiga adeega bulshada ee Aqalka sare oo isna xaflada hadalo jeediyey ayaa hambalyada ka sokow tilmaamay in ardayda qelin jebisay ay ka dhabeeyeen gaaritaanka yoolkii ay higsanayeen wuxuuna dhinaca kale ku dheeraaday dedaalka Jaamacadu ugu jirto sare u qaadida aqoonta iyo waxbarashada dalka.

“Markii aan fureynay qeybta daraasaadka sare waxay nala aheyd riyo iyo wax mala awaal ah oo aan dhici karin, balse dedaal dheer oo Jaamacadu u gashay arintan ka dib ILAAHAY waa ku guuleeyey, miraha ka dhashayna adinka iyo kuwo idinka horeeyey ayaa ka mid ah” ayuu yiri Prof. Dufle oo u mahad celiyey waalidiinta, macalimiinta iyo intii kale ee ka qeyb qaadatay sidii ardaydan ay u gaari lahaayeen hiigsigooda.

Xafladan oo ku soo gebagebowday jawi aad u farxad badan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Prof. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka mid ah Mu’asasada Benadir, Hormuudka Kuliyadda Culuunta Caafimaadka ee Jaamacada Benadir Xassan Nuur Warsame iyo qaar ka mid ah ardayda qelin jebisay oo u mahad celiyey Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada oo juhdi badan ku bixiyey heerka ay soo gaareen.

Bishii Disembar ee sanadkii hore ee 2018 ayey aheyd markii dufcadii 5aad oo ka koobnaa 23 arday ay ka qelin jebiyeen taqasuska Caafimaadka bulshada ee Jaamacada Banaadir (Master of Puplic health), kuwaasoo qeyb ka ahaa 51 arday oo xiligaas dhameysatay taqasusyo kala gedisan oo laga bixiyo qeybta Daraasaadka sare ee Jaamacadda Benadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -