Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne Laftagareen (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaaray wafdi uu hogaaminayo safiirka dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Assad.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaana xafiiskiisa kusoo dhaweeyay safiirka Qatar iyo wafdiga la socday, waxaana labada dhinac dhax maray kulan arimo badan looga hadlay.

Sida aan wararka ku helnay Safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kawada hadlay arimo ay kamid ahaayeen mashaariic Qatar ka fulineyso Koonfur Galbeed iyo arimaha doorashada.

Dowlada Qatar ayaa xiligan saameyn muuqata ku dhax leh Siyaasada Soomaaliya, waxaana Qatar xiriiro toos ah la leedahay dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada dowlada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo hal arin darteed dib ugu dhigay Shaacinta Musharaxiinta Aqalka Sare

Cabdi Cade

Jubbaland oo beenisay musharaxiin hadlay & Trump oo dhigiisa France ku tilmamay doqon

admin

AMISOM oo xoojineyso hal qodob ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---