Qaraxyo xooggan oo ka dhacay magaalada Bahirdar iyo Cabsi xoogan oo ka taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Bahirdar ee caasimada maamulka Amxaarada ayaa saakay laga maqlay qaraxyo aad u xoogan oo loo maleenayo in ay yihiin duqeymo culus oo magaaladaasi lagu soo garaacay.

Shacabka kunool magaalada Bahirdar ayaa Warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo culus oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada , waxa ayna shacabku sheegeen in cabsi badan dareemeeN.

Qaraxyadan laga maqlay caasimada gobolka Amxaarada ayaa loo maleenayaa in ay ka dhasheen gantaalo xoogaga TPLF ee Tigrey kusoo garaaceen magaaladaasi ay horey sidaan oo kale gantaalo ugu soo garaaceen.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa kusii dhawaanaya qabsashada magaalada Makelle ee caasimada dowlad deegaanka Tigrey , waxa ayna ciidamada federaalka horey ula wareegeen magaalooyin dhoor ah oo heesteen xoogaga TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -