Madaxweyne Guudlaawe oo hal arin darteed dib ugu dhigay Shaacinta Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu waday saacadihii lasoo dhaafay in uu shaaciyo liiska Musharaxiinta u tartamaya sideeda kursi ee Hirshabelle ku leedahay Aqalka Sarka ee Baarlamaanka Federaalka.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Guudlaawe ayaa soo gabo gabeeyay wadatashiyo uu la lahaa kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, waxaana la filayay saacadihii lasoo dhaafay in uu shaaciyo balse dib u dhigay shaacintaasi.

Khilaafka soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble iyo xil ka qaadistii Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in sabab u noqotay in dib loo dhigo shaacinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabelle iyo doorashadooda.

Musharaxiinta qaar ee Aqalka Sare waxaa gadaal ka riixiyay Fahad Yasaiin iyo Farmaajo oo watay , waxaana khilaafkan soo baxay iyo shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin saameyn ku yeelatay in la shaaciyo liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabelle.

Musharaxiinta Aqalka Sare ee Villa Soomaaliya taageereyso ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay khilaafka soo baxay iyo shaqo ka joojintii Fahad Yasaiin kuwaa oo suurto gal tahay in ay waayaan lacagihii ay Villa Soomaaliya ka sugayeen si ay ugu tartamaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa la sheegay in uu ka war sugayo halka uu ku dambeeyo khilaafka taagan si uu u qaato go’aan kale lagana yaabo in wax ka bedel ku sameeyo liiska Musharaxiinta uu horey u qorsheeyay.

Maamulka Hirshabelle ayaa lagu xantaa in uu kamid yahay maamulada taabacsan ayna ku tashanayeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaasa laga yaabaa hadii xaalka ku xumaado Farmaajo in Cali Guudlaawe waji kale lasoo baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -