Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaya Aqalka Sare Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midawga Musharrixiinta (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyaan xildhibaanno kasoo jeeda goballada waqooyi ee dalka ayaa maanta ka qeyb galay shirka midawga musharrixiinta ee looga tashanayo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa musharrixiinta uu shirka kala qeyb galay la wadaagay talooyin muhiim u ah xal u helidda qaabka loo maamulayo doorashooyinka qaranka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan.

Shirka oo galay maalintii sedaxaad ayaa musharrixiintu waxay ballaariyeen dadka kasoo qeyb gelaya, waxaana shalay si gooni gooni ah aragtiyadooda ula wadaagay bulshada rayidka ah, odayaal dhaqan iyo culimo Soomaaliyeed.

Shirka oo sii socon doona, lana filayo in dad badan oo Soomaaliyeed aragtiyadooda lagu dhageysto ayaa waxaa sidoo kale hadda ka qeyb gelaya dhallinyarada si musharrixiintu ay taladooda u dhageystaan

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga oo taageero afka baarkiisa ah u muujsay shacabka Falastiin

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo laga dacweeyay Maxkamadda Caalamiga ee ICC

Cabdi Cade

Xukun dill ah oo lagu riday Maxamed Cabdixakiin Ganey oo Sabab layaab leh u dilay Saaxiibkiis

Cabdi Cade
Taboola Ads ---