Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shacab lagu laayey duqeyn culus oo loo geystay Magaalo ku taalla Azerbaijan (Sawirro)

Azerbaijan ayaa sheegtay in weerar gantaal oo aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah lagu qaaday magaalada Ganja oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddanka ay ku dhinteen 12 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 kale

Wasiirka difaaca Azerbaijan ayaa sheegay in gantaallo laga soo tuuray dalka Armenia lala beegsaday magaalooyinka Ganja iyo Mingachevir.

Dowladda Armenia ayaanan beenin ama sheegan mas’uuliyadda gantaalaha lagu duqeeyay Azerbaijan.

Sida ay sheegeen saraakiisha, duqeynta ayaa burburisay ugu yaraan 20 dhismo oo ku yaalla xaafado ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa billowday 27-kii bishii September. Tan iyo markaasi, waxaa dagaalka ku dhintay boqollaal qof oo labada dhinac ah, taasoo ka dhigtay khasaarihii ugu ballaarnaa tan iyo intii ay billaabatay colaadda gobolka ay labada waddan ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Kenya oo Dacwad lagu soo celinayo Xiriirkii kala Dhaxeeyay dowlada Soomaaliya Gudbineysa

Cabdi Cade

Jeneraal Indha Qarshe oo Wasiirka Difaaca u sheegay in aan furinta dagaalka looga baahneyn

Cabdi Cade

Shirkada Coastline oo sheegtay iney Malaayiin Dollar ku bixisay heshiiska ay la gashay DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---