Kenya oo Dacwad lagu soo celinayo Xiriirkii kala Dhaxeeyay dowlada Soomaaliya Gudbineysa

Dowlada Kenya ayaa mar kale sheegtay in ay ka xun tahay go’aankii dowlada federaalka Soomaaliya xiriirka ugu jirtay, waxa ayna Kenya cadeesay in ay dooneyso in lawada hadlo si mar kale dib loogu soo celiyo xiriirka labada dal.

Afhayeenka Dowlada Kenya Cyrus Oguna oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya yihiin labo dal oo walaalo ah, waxa uuna xusay in dowlada Soomaaliya ku deg degtay go’aankii ay xiriirka ugu jartay.

Waxa uu sheegay afhayeenka dowlada Kenya in aysan diyaar u aheyn in ay ka aarsadaan Soomaaliya ayna qaataan go’aan kooda mid lamid ah, waxa uuna xusay in dacwad u gudbin doonaan Urur gboleedka IGAD iyo Midowga Afrika si labada dal u heshiiyaan.

“ Dowlada Soomaliya waa ay  deg degtay ma aheyn, Anagoo Walaalahood ah in ay xiriirka noo Jaraan, waxaan nahay  deris iyo Saaxiibo aan kala maarmin hadana kama aarsan doono balse waxaan Cabashadeena u gudbin doonaa IGAD,COMESA iyo African Union si naloo heshiisiiyo ayuu yiri” Col. Cyrus Oguna.

Afhayeenka dowlada Kenya ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in xaalada dejiso kana wada hadlaan labada dal khilaafka jira, waxa uuna sheegay in aan Soomaaliya looga baahneyn in heerkaas gaarsiiso khilaafka labada dal.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in xiriirka u jartay dowlada Kenya, waxa ayna Soomaaliya ku eedeesay Xukuumada Nairobi in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan arinta Jubbaland iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -