Somaliland oo si adag uga hadashay Heshiis ay gaareen Dowlada Federaalka iyo Q/M

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga falceliyay heshiis iskaashi cusub oo dhawaan magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Kulan aan caadi aheyn oo maanta yeesheen golaha Wasiirada Somaliland ayaa looga dooday heshiiska dhax maray Dowlada federaalka iyo Qaramada Midoobay, waxa ayna sheegeen in Somaliland ka madax banaan tahay Soomaaliya.
Halkan ka Akhriso Qoraal arintan kasoo saareen Wasiirada Somaliland
Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay maanta oo Sabti ah oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.
 
Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha maamullada Federaal-ka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
 
Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -