Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis mashruuc weyn lagu dhisayo (Sawirro)

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u xiixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo Shuruudo ku xirtay bixinta Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada

Cabdi Cade

Gabar Sagaal sano jir ah oo lagu fara xumeeyey degaan ka tirsan Sh/Dhexe

Caydiid Ali

Muuse Biixi Oo Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-Geel (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---