Shirkada Coastline oo sheegtay iney Malaayiin Dollar ku bixisay heshiiska ay la gashay DF

Shirkadda Coastline Exploration ayaa sheegtay inay dhaqaale malaayiin dollar gaaraya ku bixisay heshiiska ay la gashay dowlada Somalia

Qoraal lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda ayey ku sheegtay in $7 Milyan ay ku bixisay saxiixa heshiiska shidaalka.

Lacagtaas ayay xustey in ay ku shubtey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Madaxwayne Hassan Shikh Mohamud ayaa qalinka ku duugay qandaraaskan oo Febraayo, 2021 lagu go’aamiyey magaalada Istanbul ee Turkiga.

Qoraal ka soo baxay xalay villa Somalia ayey ku sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo gaba-gabeysay hannaanka toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga ee wax-soosaarka Shidaalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, si loogu saleeyo danta dalka.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la kaashatay dib u habaynta heshiiskan Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo sharci-yaqaanno caalami ah oo ku takhasusay arrimha heshiisyada noocaan ah ayaa ku guuleystay in dib loo saxo qodobbadii ay ka jirtay tabashadu, taas oo dhabbaha u xaareysa in loo hirgeliyo heshiiskan si ay ku qanacsan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka DF.

“Waxaan dib u eegid ku sameynay heshiisyadii la galay bishii Febraayo 2022, si aan u saxno hannaanka loo maray iyo qodobbada heshiisyada ka kooban yahay. Garyaqaanka Guud iyo qareenno caalami ah ayaa si gaar ah u soojeediyay in isbeddel lagu sameeyo qodobbo kooban, si waafaqsan shuruucda Soomaaliya, taas oo aan ku guuleysannay. Wax ka beddelka lagu sameeyay heshiisyada ayaa gaaray illaa shan qodob, kuwaas oo lifaaq ahaan uga mid ah heshiisyada ( deed of amendment of the PSAs).” ayuu yiri  Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -