Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo sii deyneysa Maxbuuska Eidan Alexander

Xamaas oo ku dhawaaqday in ay sii daynayso maxbuuska Eidan Alexander taasoo ka qayb ah dadaalada loogu jiro xabbad joojin kadib markii xiriiro ay dhexmareen iyaga iyo  Mareykanka

war saxaafadeed uu ururka sii daayay lagu sheegay inay sii deyntan qeyb ka tahay dadaallada lagu gaarayo xabbad-joojinta Qasa, furidda isgoysyada dhulka iyo dib u bilaabista gargaarka.

Ma sheegin Xamaas, maalinta ay sii deynayso askarigan Israa’iili -Mareykanka ah, waxayna ku dhawaaqistan ay ku soo aaday saacado kaddib markii ay Xamaas sheegtay wadahadal toos ah inay la yeelatay Mareykanka.

Ururka Xamaas ayaa u muuqda in isaga oo ka faa’iidaysanaysa xiisadda  kala fogaansho ee u dhexeysa Trump iyo Netanyahu uu Maraykanka la gaaray heshiis shidaal ku sii shubaya in xaaladaasu sii xumaato kadib markii uu ogalaaday inuu u sii daayo Trump maxbuuska Israa’iiliga ee haysta dhalashada Mareykanka  iyadoo Israa’iili  wax xiriir ah aan la kala samayn.

Waxaa sidoo kale ay arrintan sii hurinaysaa caradii gudaha ee shacabka reer Israa’iili gaar ahaana qoysaska dadkooda lagu haysto Qaza, taasoo diraysa farriin tilmaamaysa in Xamaas diyaar u tahay heshiis  balse Netanyahu uu yahay qofka doonaya sii wadida dagaalka uusana wax dan ah ka gelayn nolosha ehelkooda lagu haysto Qaza.

Ururka Xamaas , ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadal toos oo horumar sameynaya kula jiraan Mareykanka, si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah iyo in marinka Qasa loo oggolaado gargaarka bani’aadanimo, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas u sheegay telefishinka Al Jazeera.

Waa markii u horreysay oo ay Xamaas shaaca ka qaaday inay wada-hadal aan loo dhaxeyn oo toos ah kula jiraan Mareykanka. Tani waa dharbaaxo kale oo Trump uu ku dhufanayo Netanyahu  xilli ay soo baxayaan wararka la xiriira inuu Trump aqoonsan karo dawladda Falastiin.

Related posts

R/Wasaare Kheyre oo booqday Xarumo Garawe kuyaala (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hay’ada Hormuud Salaam ayaa deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe Iyo Isbitaal martini (Sawirro)

Cabdi Cade

Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay xasaanad ka xayuubin lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---