Allbanaadir.com
NEWS

Sirta ka dambeysa joojinta dagaalkii India & Pakistan

Madaxweyne rump, wuxuu ku dhawaaqay inuu dhexdhexaadiyay Pakistan iyo Hindiya, kaddib wada-hadallo waqti dheer qaatay oo ugu dambeyntii heshiis rasmi ah ay labada dal ka gaareen xiisaddii u dhaxeysay

“Kadib habeen dheer oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayey, Hindiya iyo Pakistan waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin buuxda oo degdeg ah” ayuu yiri Trump

Haddaba Maxay tahay sababta ugu weyn ee Mareykanka ku kaliftay inuu  si deg deg ah u soo fara geliyo  dagaalka u dhexeeyay Pakistani iyo Hindiya heshiis xabbad joojina uu dhex dhigo?

Iyada oo asbaabo kaka duwan loo tiirinayo arrintan ayaa waxa  hadda si weyn u soo muuqatay sabab muhiim ah oo tilmaamaysa in dagaalkan uusan keliya u dhexeyn quwadaha Hindiya iyo Pakistan balse ay si dadban dagaal uga dhex qarxay  tiknoolojiyadda hubka ee reer galbeedka iyo Israa’iil oo Hindiya ku hubaysnayd iyo tiknoolojiyadda hubka Shiinaha oo Pakistan adeegsanaysay.

Hadaba bilawgii dagaalka waxa markiiba awood lagu muquuniyay  awoodii ciidan ee Hindiya isku hallaynaysay, waxaana muuqday wax aan cidina suuraysan karin

Hadaba si aan ceeb iyo  fadeexooyin kale aysan dagaalka ka soo shaac bixin ayaa Trump isla  markiiba xabbad joojin dhex dhigay labada dal sida ay aminsan yihiin falanqeeyaasha dhacdooyinka caalamka.

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Daah-furay mashruuc muhiim ah

Cabdi Cade

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al Shabaabka Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado Dagaal oo ka socda gobolka Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---