Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Mudo kadib tagay Madaxtooyada Soomaaliya (Sawirro)

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa mudo dheer kadib maanta usuurto gashay in uu gudaha u galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ugu tagay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo martiqaad u fidiyay, waxaana kulankooda daarnaa xog wareysi iyo talo siin.

Kulanka Madaxtooyada ku dhax maray Ra’isul Wasaaraha iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha doorashada iyo sidii Xukuumada cusub uga shaqeyn laheyd hirgalinta doorasho raali lagawada yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

”Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelanay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda. Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado.” ayuu yiri Mr Warsame

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa muxaafidka , waxa uuna kala tashanayaa dhismaha Xukuumada cusub iyo arimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -