Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo Saraakiil ka tirsan Qaramada Midobay ku duqeysay Magaalada Rmeish

Saddex ka mid ah kormeerayaasha Qaramada Midoobay iyo tarjumaan ayaa ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday magaalada Rmeish ee koonfurta Lubnaan, sida uu sheegay howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Wakaalada wararka ee Lubnaan ayaa ku warantay in duqeynta ay sameyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel, kuwaas oo ka dambeyay qaraxa, balse militariga Israa’iil ayaa beeniyay in ay iyagu ka danbeeyeen.

Hawlgalka Qaramada Midoobay, UNIFIL, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay haatan la daweynayo, isla markaana ay baarayaan halka uu qaraxa ka dhashay.

Arinkan ayaa kusoo aadaya kadib markii ay sare u kacday xiisadaha ka taagan xadka aan rasmiga ahayn ee Israa’iil iyo Lubnaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay Unifil ayay ku sheegtay in madfac uu ku qarxay meel u dhow kooxdaasi oo roondo lug ah ku samaynayayey khadka Buluuga ah ee ay Qaramada Midoobay calaamadisay ee kala qaybiya koonfurta Lubnaan iyo Israa’iil.

Related posts

Booliiska Mareykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Soomaali ah iyo caro ka dhalatay

Cabdi Cade

Weriye caan ah oo ka tagaya shaqada laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da

Caydiid Ali

Dagaal culus oo ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---