Ra’isul Wasaare Rooble oo la siiyay Talo muhiim ah oo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay helay codka kalsoonida Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana Rooble hada looga fadhiyaa soo dhisida Xukuumad cusub .

Siyaasiga Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Ra’isul Wasaare dalka kasoo noqday ayaa talooyin ku aadan dhismaha xukuumada cusub siiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiweli Gaas oo la hadlay Idaacada VOA ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha cusub in golaha Wasiirada cusub uu soo dhisayo noqdaan ama u badnaadaan Golaha Wasiirada Xukuumadii kalsoonida lagala noqday.

Waxa uu sheegay Gaas in Wasiirada katirsanaa Xukuumadii dhacday ay sii qaban karaan shaqada maadaama iyagu horey u wadeen, waxa xusay hadii Wasiiro cusub la keeno noqon karto waqti lumis iyo in gaabsi ku yimaadaan shaqada Xukuumada laga rabay.

“Wasiirada hadda jooga inay shaqada sii wadaan ayaa haboon, maadaama waqti uusan harin, doorashadu waa Shaqo adag oo siyaasadeed laakin ra’iisul Wasaaraha waxaa u taalla Shaqadii Xukuumadda, sida arrimaha amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka, waxaana ugu baaqayaa in uusan noqon nin damac kale leh ee waa in uu Madaxweynihiisa iyo dalkaba daacad u noqdaa ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Baaqa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili aad loo hadal hayo in golaha Wasiirada uu soo magacaabayo Ra’isul Wasaare Rooble u badnaan doonaan Wasiiradii dhacay iyadoona meesha laga saari  doono wasiiro kooban oo aad ugu dhawaa Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -