Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la yeeshay qaar ka mida xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metela labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Kulanka ayaa daarranaa dardargelinta iyo horumarinta hawlaha hortebinta u leh Dawlad-goboleedka Ssc-khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo sidoo kalana ku booriyey laba-jibbaarka hawlaha baaxadda leh ee horyaal ka qaran ahaan iyo Dawlad-goboleed ahaanba.
Firdhiye ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho oo uu ka wado kulamo kala duwan tan iyo markii uu dhamaaday shirkii xubnaha golaha wadatashiga Qaran ee la soo xiray dhowaan.
Maamulka SSC Khaatumo ayaa isku dayaya inuu noqdo maamul adag oo lugihiisa ku taagan tan iyo markii ay dhowaan aqoonsatay dowlada federaalka Somalia.