Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dowladda Itoobiya, isaga oo ku eedeeyay in ay wiiqayso dadaallada lagu dhisayo qaran mideysan oo xasilloon. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad rasmi ah oo uu ka jeediyay dabaal daga maalinta xoriyada dalkiisa.
Madaxweyne Afwerki ayaa sheegay in Itoobiya ay dooratay waddo khatar ah oo ku saleysan kala-qaybsanaan qowmiyadeed halkii laga dhisi lahaa dowladnimo ku dhisan muwaadinimo iyo midnimo qaran. Wuxuu si gaar ah u weeraray nidaamka Federaalka Qowmiyadeed, isagoo ku tilmaamay mid horseedaya burbur iyo colaad joogto ah.
Isaga oo sii duraya siyaasadda Addis Ababa, Madaxweynaha Ereteriya ayaa tilmaamay in dowladda Itoobiya ay u adeegsatay magaca cusub ee “Barwaaqo” sidii matalaad siyaasadeed, balse dhab ahaantii ay tahay aalad lagu fulinayo ajandooyin shisheeye oo halis ku ah gobolka. Barwaaqo waa xisbiga Abiy.
Afwerki ayaa sidoo kale xusay in marmarsiyayaasha siyaasadeed ee ay Itoobiya adeegsanayso ay ka mid yihiin: arrinta biyaha iyo Webiga Niil, fikradda Orommuma, helitaanka marin badeed, iyo kicin dagaallo qowmiyadeed oo gobolka ku faafa. Wuxuu ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay isku dayayso in ay xasilloonida gobolka u adeegsato dano gaar ah, iyadoo adeegsanaysa hub, tiknoolajiyad iyo dagaal maskaxeed si loo marin habaabiyo shacabka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Ereteriya ayaa uga digay shacabka gobolka in ay ka feejignaadaan faragelinta shisheeye iyo khiyaanada gudaha oo uu sheegay in si qoto dheer loogu soo abaabulay sidii loo carqaladeyn lahaa geeddi-socodka nabadda iyo horumarka gobolka.
Warbixintan waxay imaaneysaa xilli xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay sii xoogeysanayaan, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in iska horimaadyada siyaasadeed ay isu beddelaan kuwo hubeysan