Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo Weji cusub yeeshay iyo arin cusub oo kusoo korortay

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xiligan waxaa u dhaxeeya khilaaf saameyn ku yeeshay doorashada iyo amniga guud ee dalka.

Labadan masuul oo mar ahaa saaxiibo aad isugu dhaw ayaa hada u muuqda kuwa siyaasad ahaan kala tagay, waxaana mid walbo gaarayaa go’aano halis galinaya jiritaanka dowlada iyo xasiloonidda dalka.

Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa hada waxaa uga sii daray lacagta malaayiinta dollar ee Imaaraadka dowlada kala wareegtay sanadkii 2018-kii , lacagtaas oo la sheegay in sifo sharci darro ah Imaaraadka dalka kusoo galiyeen.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa shalay raali gelin siiyay dowlada Imaraaadka Caabta, waxa uuna balan qaaday Rooble in lacagtaasi oo markii ugu dambeesay taalay Bangiga Dhaxe dib loogu celinayo Imaaraadka.

Go’aanka Ra’isul Wasaaraha waxaa si deg deg ah uga falceliyay Farmaajo oo guddoomiyaha Bangiga Dhaxe u diray warqad uu ku amrayo in aan la bixin karin lacagta dowlada kala wareegtay Imaaraadka, isaga oona waxba kama jiraan kasoo qaaday hadalkii Rooble.

Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo markii hore ku koobnaa cida masuulka ka noqoneysa amaanka dalka iyo hanaanka loo marayo doorashada ayaa waxaa markan kusoo biiray in lasoo celiyo xiriirka Imaaraadka dibna loogu celiyo lacagta laga hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -