Haweeney caan ka aheyd Mareykanka oo Geeriyootay iyo Dagaal siyaasadeed ka dhalan kara geerideeda

Ruth Bader Ginsburg oo ahayd garsoore muddo dheer ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Jimcaha u geeriyootay cudurka kansarka.

Ginsburg, oo aheyd haweeneydii labaad ee garsoore ka noqota Maxkamadda Sare, ayaa ku dhimatay gurigeeda oo ku yaal caasimadda Washington iyadoo ay qoyskeedu ku hareereysnaayeen, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maxkamada. Waxa ay ahayd 87 jir.

“Qarankeennu wuxuu lumiyay astaan taariikheed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxa Maxkamadda Sare John Roberts.

Ginsburg ayaa ahayd ololeeye xuquuqda dumarka ah waxayna ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare illaa 1993-kii.

Waxay u dhimatay dhibaatooyin ka dhashay kansarka xameetida ku dhaca, sida ay Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkeeda.

Dhimashada garsoore sare Ginsburg ayaa laga yaabaa in Dagaal siyaasadeed ka dhaliso gudaha dalka Mareykanka gaar ahaan mid u dhaxeeya labada xisbi ee isku haya talada dalkaasi

Madaxweyne Donald Trump ayaana la filayaa  inuu sii ballaariyo aqlabiyadda garsooreyaasha muxaafidka ee Maxkamadda Sare, islamarkaana uu magacaabo garsoore saddexaad, xilli ay doorashadu soo dhowaaneyso.

Raadiyaha Qaran ee NPR ayaa wariyay in maalmo ka hor geerideeda ay Ginsburg waraaq u yeerisay gabar ay ayeeyo Clara Spera,iyadoo qoraalka ku sheegtay “rabitaankeyga aadka u weyn ayaa ah in aan la i beddelin illaa madaxweyne cusub la soo doorto.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -