Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka Doorashada 

Qaar kamid ah Mushataxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wafdi ka socday Ururka IGAD ayaa shuruudo adag ku xiray in ay ka qeybgalaan doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Musharaxiintan ayaa sheegay in guddiga doorashada ee hada shaqeenaya aysan aheyn dhax dhaxaad una garbinayaan mid kamid ah Musharaxiinta, waxa ayna codsadeen in guddiga lakala diro lana magacaabo guddi cusub.

Halkan ka Akhriso Shuruudaha Musharaxiinta ku xireen ka qeyb galka doorashada

  1.  In la kala diro guddi ku sheega doorashada Jubbaland.
  2. In la magacaabo guddi doorasho oo cusub
  3. In odayaasha dhaqanka rasmiga ah oo kaliya ay xildhibaanada so xulaaan
  4. In halkii boos hal magac oo kaliya uu odey dhaqameedku soo gudbiyo
  5. In doorashada lagu qabto goob dhex-dhexad ah sida Xerada UN-ka
  6. In ay AMISOM ay ilaaliso amniga doorashada iyo kan musharixiinta
  7. In Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan doorashada.
  8. In warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxaligaba ah ay doorashada si toos ah u tabiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo qof oo talaalka cusub ee Coronavirus ugu dhintay dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Saldhigyada Qarsoodiga ee Nukliyeerka Maraykanka ee yaalla Yurub iyo Turkiga oo la shaaciyey

Cabdi Cade

Maxaa ka jira ciidamada Jabuuti 13 askari looga dilay Weerar ka dhacay..?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---