Mareykanka oo Soomaaliya kusoo celisay Mahdi Mohamed Xaashi kuna wareejisay Dowlada

Dowlada Mareykanka ayaa magaalada Muqdisho kusoo celisay muwaadin Soomaaliyeed oo heestay dhalashada dalkaasi, kaa oo horey loogu helay in uu taageero u fidiyay kooxda Al Shabaab.

Mahdi Mohamed Xaashi, oo 31 jir ah ayaa waaxda Cadaalada Mareykanka ku heshay in uu taageero u fidiyay Al Shabaab, waxaana ninkan horey loogu riday xukun maxkamadeed oo xabsi ah.

Dowlada Mareykanka oo amar ku bixisay in ninkan laga musaafuriyo ayaa khamiistii laga soo dejiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ninkan lagu wareejiyay dowlada federaalka Soomaaliya .

“Saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (ICE) ayaa nin Soomaali ah kaxeeyey khamiistii kaas oo lagu xukumay sanadkii 2016-kii maxkamada degmada ee Mareykanka in uu gargaar u fidiyay urur argagixiso” ayaa lagu yiri warka waaxda socdaalka.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Waaxda Socdaalka Mareykanka.

Ninkan Soomaaliga ee laga soo tarxiilay dalka Mareykanka oo horey uga soo mid noqday Al Shabaab sidoo kale taageero u fidiyay kooxdaasi ayaa qirtay qaar kamid ah dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -