Dad sameenayay Jimicsiga loo yaqaan Yoga oo lagu xir xiray dalka Iiraan

Dalka Iiraan waxaa lagu xir xiray dad sameenayay Jimicsiga loo yaqaan Yoga, waxaana dadkan la xir xiray hada ku socda baaritaano ku aadan in si sharci daro ah jimicsiga u sameenayeen.

Ciidamada booliiska dalka Iiraan ayaa magaalada Gorgan, ee kutaal Waqooyiga dalkaasi ku xir xiray 30-qof oo ku jiray xiisad ay ku qaadanayeen jimicsiga Yoga, waxaana dadkan lala xiray macalinkii jimicsiga siinayay.

Dadkan la xir xiray iyaga oo jimicsiga sameenayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar, waxaana dadkan gurigii ay sida qarsoodiga ah ugu sameenayeen jimicsiga ugu galay ciidamada amaanka oo xogtooda helay.

Massoud Soleimani oo katirsan Waaxda Cadaalada dalka Iiraan ayaa sheegay in la xiray macalin bixinayay Jimicsiga Yoga iyo dadkii uu barayay, waxa uuna sheegay in macalinka uusan wax ruqsad ah u heysan in uu bixiyo xiisad jimicsi ah.

Sargaalkan ayaa sidoo kale sheegay in dadkii dhiganayey xiisada Jimicsiga oo isugu jiray rag iyo dumar in ay xirnaayeen dhar aan habboonayn ayna u dhaqmayeen si anshax xumo ah.

Dalka Iiraan uu ka jiro nidaam Islaami ah ayaa waxaa mamnuuc ka ah in raga iyo dumarka ay meel kuwada sameeyaan Jimicsi sidoo kale ay xirtaan dhar aan astur aheyn, waxaa sidoo kale dalkaasi horey looga mamnuucay barashada Jimicsiga loo yawqaan Yoga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -