Allbanaadir.com
NEWS

Warbaahinta dowlada oo mar kale iska diiday baahinta War kasoo baxay Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay soo saaray qoraal uu ku eedeenayo Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya kuna sheegayo Rooble in uu ku fashilmay hogaaminta doorashada.

Qoraalkan kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ay ku leedahay Villa Soomaaliya, waxaana warkaasi aan lasoo dhigin baraha bulshada iyo websetyada warbaahinta dowlada sida Telefishinka Qaranka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in wasaarada warfaafinta iska diiday in warkaasi Farmaajo kasoo baxay laga baahiyo warbaahinta dowlada, waxa ayna warkaasi u aragtay mid wax u dhimaya xukuumada.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaana mar kale soo laabtay, waxaana horey warbaahinta dowlada u diiday wararka Farmaajo ee xasarada abuurayay xiligii khilaafka kala dhaxeeyay Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidanka dowladda oo howlgal lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab fuliyay

Cabdi Cade

Bilicda Xeebta Sugunto Liido ee Muqdisho oo dib loo soo celinayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saraakiil Iiraan u dhashay oo ku fashilmay Qorshe lagu afduubi lahaa Masih Alinejad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---