Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliska Jarmalka oo qabtay nin watay 250 qori & Kumanaan xabo oo rasaas ah

Booliska Jarmalka ayaa sheegay inay qabteen ilaa 250 qori iyo dhowr kun oo rasaas ah, kuwaasoo uu watay nin la rumeysan yahay inuu yahay mid u janjeera dhanka midigta-fog ama cadaanka xagjirka ah.

Taliska Booliska gobolka Waqooyi-galbeed ee Lower Saxony ayaa sheegay in hubkan laga helay aagga Seevetal, oo koonfurta ka xigta magaalada Hamburg

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in baarayaasha ay u maleynayaan in ninkan uu ka tirsan yahay Kooxaha garabka midig.

Xaaladaha jira awgood bayaanka laguma faahfaahin magaca ninkaas iyo sababta uu u watay hubka, iyadoo loo aaneynayo baaritaanka socda ee ku saabsan tuhun laga qabo inuu ku xadgudbay sharciyada hubka ee dalkaas ku yaalla.

Rabshadaha ay ku kacaan dadka u janjeera siyaasadaha midig-fog waxay sababeen walaac sii kordhaya Jarmalka sanadihii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Guddiga doorashada Hirshabelle oo guddoon cusub iska dhex doortay

Caydiid Ali

Taliye Odowaa oo xus weyn kaga qeyb galay dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Diyaarad kusoo dhacday deegaan ay maamulaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---