Taliye Odowaa oo xus weyn kaga qeyb galay dalka Jabuuti (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Darreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta ka qayb galay xuska sanad guuradii 46-aad ee ka soo wareegtay maalinkii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka Jabuuti.

Waxaa munaasabadaas ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Cabdulqaadir Kaamil, saraakiil, wasiiro iyo madax kale.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay taliska ciidanka xoogga dalka Jabuuti.

Waxa uu uga mahadceliyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay Jabuuti ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo kaalinta lixaadka leh ee ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ay Somalia ka joogaan ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxayna ka howlgalaan intooda badan gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -