Shirkii Madaxda DF & dowlad goboleedyada oo maanta furmaya & Wararkii ugu dambeeyey

Shirkii wadatashiga madaxda DF & dowlad goboleedyada ayaa maanta lagy wadaa inuu ka furmo xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho u timid ka qeyb-galka shirkan wadatashiga oo looga arrinsan doono sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla-ogolyahay.

Waxaana ugu yaraan seddax jeer dib u dhacay furitaanka shirka wadatashiga madaxda dalka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed sababo kala duwan iyo xaalado qaarkood deg deg ahaa awgeed.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay madaxweynayasha Jubbaland iyo Galmudug, kadib safarro deg-dega ahaa oo maalin ka hor ay ku kala aadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo uga qeyb galay aaska Allaha u naxariistee guddoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland, sidoo kalena ahaa Xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Shaafi Raabi Kaahin oo salaadii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah lagu dilay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna soo gaaray Muqdisho gelinkii dambe ee shalay, kadib safar gaaban oo uu ku tegay magaalada Nairobi, lamana shaacin waxa uu ku qotomay safarkaas inkastoo wararka qaarkood sheegayeen inuu la kulmay saraakiil ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirka madaxda oo lagu waday in si rasmi ah loo furo Sabtidii shalay ayaa baaqday, waxaana lagu wadaa in maanta uu furmo, maadaama ay shalay madaxdu kala maqneyd, balse waxaa dhici karta inay soo baxaan caqabado kale oo furitaankiisa dib u dhiga, sida marar badan horayba u dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -