Shirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo goordhaw Furmay (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirkii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan uu gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda shanta maamul ee dalka ka jirta iyo sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa shirkan inta uu socdo looga doodi doonaa go’aanadii kasoo baxay shirarkii horey uga dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo sidoo kale in heshiis laga gaaro doorashada dalka ka dhaceysa iyo nuuca ay noqon doonto.

Shirkan ayaana gabo gabadiisa lag soo saari doonaa war Murtiyeed ku aadan qodobada ay isla gartaan madaxda ka qeyb galeysa , waxaana la filayaa in go’aan Madaxda shirkan ka gaaraan doorashada dalka.

- Advertisement -