Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddiga doorashada Hirshabelle oo guddoon cusub iska dhex doortay

Xubnaha Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa Mudane Maxamed Xuseen Maxamed u doortay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabelle.

Doorashada ayaa aheyd nidaamka gacan taaga ah maadaama kaliya hal musharax u tartamayay hogaanka Guddiga.

Maxamed Xuseen Maxamed ayaa 8 xubnood waxay ugu codeysay HAA halka xubin ka mid ah Guddigana ay MAYA kaga codeysay.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Hirgalinta Doorashada Dowladda Hirshabeelle ka qaaday Mudane Axmed Xasan Diini oo lagu eedeeyey inuu ku kacay xagal daacin iyo hufnaan la’aan.

Raisul Wasaaraha Somalia ayaa soo dhoweeyey talaabada uu qaaaday Madaxweyne Guudlaawe ee la xiriirta isbedelka lagu sameeyey gudoonka guddiga doorashada Hirshabelle.

https://www.youtube.com/watch?v=vuJd0aJOmW4

Related posts

Xildhibaanada oo ka wal walsan halista uga imaan karta Baraha Koontarool ee Muqdisho yaala

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay in Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii saakay

Cabdi Cade

Hormuud oo  Deeq Lacageed Guddoonsiiyay school ay wax ka bartaan Dadka Magalka la’ (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---