Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Golaha Shacabka oo Hal qorshe isla fahmi la’ ! (Ogow)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo inta badan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa wada olole xoogan ay ku doonayaan in mudo labo sano ah lagu daro mudo xileedka dowlada oo hada heer gabo gabo ah maraysa.

Qorshaha mudo kororsiga ayaa la sheegay in ay isla wadaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoonka golaha shacabka , waxaana socda wadatashiyadii ugu dambeeyay qaabkii loo suurto galin lahaa mudo kororsiga Dowlada uu Farmaajo hogaamiyo.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya iyo golaha shacaka ay isku fahmi la’yihiin habka loo marayo mudo kororsiga iyo sidoo kale waqtiga rasmiga ah ee Golaha shacabka ku dhawaaqayaan go’aankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Gudoonka iyo Xildhibaanada horboodaya qorshaha mudo kororsiga uu rabo ka dalbaday in marka hore ansixiyaan Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabayo kadibna ku dhawaaqaan qorshaha mudo kororsiga.

Gudoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka ayaana ka biyo diiday dalabka Madaxweynaha , waxa ayna sheegeen in ansixinta Ra’isul Wasaaraha uu soo magacaabayo ay ka horeeso shaacinta mudo kororsiga dowlada.

Sida aan wararka ku helnay Gudoonka golaha shacabka iyo Xildhibaanada ayaa ka cabsi qaba hadii ansixiyaan Ra’isul Wasaaraha in Madaxweynaha uu balanta uga baxo meeshana ka baxdo qorshihii mudo kororsiga iyo awoodii golaha shacabka.

Madaxtooyada iyo golaha shacabka ayaana wali isku fahmi la’ mida la hor marinayo magacaabista Ra’isul Wasaaraha iyo ansixintiisa iyo sidoo kale qorshaha ay xildhibaanada ugu codeenayaan mudo kororsiga.

Is fahmi waagan ayaana sababay in Madaxweyne Farmaajo dib u dhigo magacaabista Ra’isul Wasaarihii bedeli lahaa Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in Farmaajo magacaabo Ra’isul Wasaare marka is fahmaan Madaxtooyada iyo golaha shacabka.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xilkiisa ku waayay diidmada mudo kororsiga dowlada, waxaana Madaxweyne Farmaajo iyo gudoonka golaha shacabka dadaal badan ku bixinayaan sidii mudo labo sano oo dheeraad ah usii joogi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -