Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Shaacisay lacagta lagu iibiyay kalluun ay ka dhigeen Ajaaniib

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibisay kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xeebaha soomaaliya taas oo ay soo dalbadeen Sedax shirkadood, waxaana kalluunkan laga dhigay kaluumeesato ajaaniib ah oo doonayay in dalkooda u iibgeestaan.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegtay in ay sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunkaan, waxaana maxkamadda shaacisay in saddex shirkadood soo dalbadeen kalluunka ,balse labo kamid ah buuxin waayeen shuruudaha iibka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in 36 eedeysane oo ajaaniib ah oo watay kalluunka maxkamadda iibisay iyo labba doomood ay isticmaalayaan ay sugayaan in ay wajahaan cadaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya ma ka bixi kartaa In mar kale loo celiyo Meertadii Dib u heshiisiinta?

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo qaaday talaabo lagu joojinayo dagaaladii Wanle-weyn (Sawirro)

Caydiid Ali

Isticmaalka Baraha Bulshada oo dhaawac u geesanaya Maskaxda Dhalinyarada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---