Jeneraal Bariise oo xilka laga qaaday iyo taliyihii hore ee booliiska Puntland oo lagu … 

Wareegto kasoo baxday Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka looga qaaday taliyihii laanta ilaalinta Canshuuraha bariga Jeneraal Cabdulaahi Xasan Bariise.

Jeneraal Bariise oo katirsan saraakiisha sar sare ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa xilka soo hayay mudo dhoor sano ah, lamana sheegin ilaa hada sababta rasmiga ah ee keentay in xilkan laga qaado.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar ayaa u magacaabay xilka taliyaha laanta ilaalinta canshuuraha taliyihii hore ee ciidanka booliiska maamulka Puntland Cabdirisaaq Afgaduud.

Jeneraal Xijaar iyo taliyahan cusub uu u magacaabay laanta ilaalinta Canshuuraha Afgaduud ayaa la sheegay in ay aad isugu dhaw yihiin, waxa ayna labada kasoo jeedaan deegaanada maamulka Puntland.

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday isbadalo dhanka hogaanka ah, waxaa sidoo kale dhawaan la dalacsiiyay saraakiil katirsan ciidanka booliiska la dalacsiiyay kuwaa oo qaarkood la filayo in hogaano loo dhiibo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -