Taliyihii ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo saakay dagaal lagu dilay

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo maleeshiyaad hubeesan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland weerar ku qaadeen Warshada kabista Gaalkacyo oo heesteen maleeshiyaad hubeesan, waxaana halkaasi isku hor imaad ku dhax maray ciidamada Puntand iyo maleeshiyaadka hubeesan.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo dadka ku dhintay waxaa ku jira Taliyihii ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland G/sare Cusmaan Cumar Maxamed.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada maamulka Puntland ayaana la sheegay in xoog kula wareegeen warshada ay xooga ku heesteen maleeshiyaadka hubeesan, waxaana magaalada laga dareemayaa saameynta ka dhalatay dagaalkii saakay ka dhacay.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulamo halkaasi ka waday, waxaa sidoo kale magaalada ka socday howlgalo amaanka ku xoojinayeen ciidamada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -