Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo taageero u muujisay Hindia oo dagaal kala dhaxeeyo Pakistan

Dagaal u dhaxeeya milatariga dowladaha Hindiya iyo Pakistan ayaa qarxay, xilli maalmihii lasoo dhaafay taagneed xiisad xooggan oo u dhaxeysay labada dal, waxaana dagaalka labada dal ee ku hubeysan nukliyeerka laga cabsi qabaa in uu sii xoogeesto.

Maamulka Iraa’iil , ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyay dowladda Hindiya oo bilowday dagaalka xalay qarxay, waxa ayna Israa’iil sheegtay in milatariga Hnidiya weerar ku qaadeen kooxo argagaxiso ah oo ku sugan gudaha dalka Pakistan.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Hindiya, Reuven Azar,, ayaa sheegay in dowladiisa taageereyso xaquuqda is-difaac ee dowladda Hindiya, waxa uuna caddeeyay in Hindiya dagaal kula jirto kooxo argagaxiso ah, kuwaa uu sheegay in aysan meelna ku dhuuman karin.

”Argagixisadu waa inay ogaadaan inaysan haysan meel ay kaga dhuuntaan dambiyada foosha xun ee ay u geysanayaan dadka aan waxba galabsan,” ayuu yiri safiirka maamulka Israa’iil u jooga Hindiya oo qoraal soo dhigay bartiisa X.

Dagaalka ka dhax qarxay dowladaha Hindiya iyo Pakistan, ayaa laga cabsi qabaa in uu dhaliyo khasaaro xooggan uuna kasii xoogeesto sida uu hadda yahay, waxa ayna labada dal taageero uga raadinayaan dalalka caalamka dagaalka bilowday.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiin kale oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis iskaashiga Difaaca iyo Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa fashiliyey weerarkii maanta Al-Shabaab ku qaadeen Villa Somalia? (Xog Muhiim ah)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---