(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka qarxay Khartuum

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Somalia waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed.

Warka DF ayaa yimid xili Caasimadda dalka Sudan uu ka qarxay maanta dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano gurmadka degdega ah.

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.

Xaaladda Khartuum ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, madaxtooyada, iyo meelo kale dhimasho iyo dhaawac badana ayaana la soo sheegayaa.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DOWLADA CARABI KU QORAN.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -