Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in barqonimadii maanta halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah .

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa Miino dulka lagu aasay  ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Maxkamada magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan goob mashquul badan oo la sheegay in jaadka lagu iibiyo.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay sadex qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay la dhigay isbitaalka magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada Nabad sugida iyo booliiska ayaa qaraxa kadib bilaabay howlgalo lagu baadi goobayay dadkii qaraxa ka dambeeyay, waxaana la sheegay ciidamada in ay qabteen dhoor qof lagu tuhmayo in qaraxaasi ku lug lahaayeen.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa ahaa mid mudooyinkii dambe aad u wanaagsanaa, mana jirin qaraxyo iyo dilal mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladaasi oo amaankiisa hada gacanta ku hayaan ciidamada dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo dhaqaale badan ka sameenaya Lo’da magaalada laga aruuriyo

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray lix ka mid ah xarumaha dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay dalalka Myanmar & Thailand (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---