Kenya oo shaacisay in DF ay fasaxday Qaadkii la keeni jiray Soomaaliya

Guddoomiyaha Beeralayda Qaadka Miraa ee dalka Kenya ayaa shaaciyey in heshiis lagu fasaxayo qaadkii loo dhoofin jiray Somalia ay la galeen dowlada federaalka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha ayuu ku sheegay in 8-da bishan oo ku beegan maalinta Sabtida dib loo fasaxayo Qaadkii la geyn jiray Somalia sida uu qorayo heshiiska

Qodobada lagu heshiiyey ayuu sheegay iney ka mid yihiin:-

1- In la kordhiyo canshuurta laga qaado qaadka Somalia lagana dhigo 1-kg ($-3.5) halka horey looga qaadi jiray ($-1)

2-In dadka qaadka iibiya ay kala fogaadaan 2 mitir.

3-In dadka Qaadka ka shaqeeya ay xirtaan dhar ilaalin ah sida waji xirka iyo galoofisyada la gashado gacmaha iyo qodobo kale oo la xiriira ka hor taga cudurka Coronavirus.

Dowlada Somalia ayaan illaa hadda ka hadlin hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Beeralayda Qaadka Miraa ee dalka Kenya.

Golaha Wasiirada DF ayaa dhowaan fasaxay in dib loo bilaabo duulimaadyada caalamiga ah oo la hakiyey tan iyo markii uu caalamka ku faafay cudurka Coronavirus, waxayna DF sheegtay in qaadku uusan ku jirin duulimaadyada la fasaxay.

Shan bilood ka hor ayey markii DF ay joojisay dayuuradihii qaadka Kenya, waxaana tan iyo xiligaas qaab suuq madow loo soo geliyaa qaadka magaalada Muqdisho, iyadoo lagu keeno doonyo, qiimo kii hore ka qaalisan ayaana lagu kala iibsadaa.

HOOS KA DAAWO HADALKA GUDOOMIYAHA QAADKA KENYA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -