Shirkad uu leeyahay nin la dhashay Xamse Barre oo lagu wareejiyay aruurinta Dakhliga…

Xogo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dakhliyada kala duwan ee usoo xarooda maamulka gobolka Banaadir  aruurintooda lagu wareejiyay shirkado si gaar ah loo leeyahay, kuwaa oo la siiyay xubno ehelo dhaw la ah madaxda sare ee dalka.

Dakhliyada kala duwan ee gobolka Banaadir oo markii hore soo xareen jireen agaasinka ku shaqada lahaa ayaa hadda lagu wareejiyay shirkado gaar ah oo milkiilayaal ka yihiin xubno ku dhaw dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Sida aan xogaha ku helnay shirkadda ugu weyn ee loo xil saaray in ay aruuriso dakhliyada kasoo xarooda dhulalka , dukumiintiyada dhulalka la sameeyo, fasaxyada dhismaha guryaha lagu wareejiyay nin la sheegay in uu la dhashay Ra’isul Wasaare Xamse.

Xubno agaasimayaal ah oo maamulka gobolka Banaadir u xil saaray in qiimeyn ku sameeyaan tariifada waaxda dhulka ayey waxa ay ku sameeyeen wax ka badan lacagihii horey loo qaadi jiray oo lagu daray qidmao dheeraad ah ay shirkadu codsatay.

Dhaqaalaha ay soo xareyso shirkadan uu leeyahay ninka la dhashay Ra’iul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa sidoo kale qoondooyin gaar ah ku leh guddoomiyaha gobolka, Agaasimaga Guud ee Maamulka iyo maaliyadda iyo sidoo kale agaasimayaasha waaxyaha qaar.

Shirkad ay leeyihiin xubno qaraabo dhaw la ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey sidan oo kale loogu wareejiyay aruurinta lacagaha canshuuraha sannadlaha dhismayaasha kuyaalla degmooyinka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana hadda masuuliyiinta joogta u badan yihiin maqaar saar marka loo eego shaqada ay hayaan, waxaana agaasimayaasha dakhliyada hoos tagaan iyo kuwa canshuuraha awood u laheyn in iyagu wax soo aruuriyaan.

Dhawwaan waxaan idin soo gudbin doonaa xogo dhameestiran oo ku aadan magacyada shirkadaha la siiyay  uruurinta dakhliyada kala duwan ee maamulka gobolka Banaadir iyo shakhsiyaadka iska leh shirkadahaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -