Shirkaddo dhibaato ku haya shacabka Somaliland iyo Mucaaradka oo farta ku fiiqay

Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Dhame ayaa sheegay in Somaliland noqotay meelaha ugu korontada qaalisan dunida iyo degaanada Soomaalidu ay degto, xili buu yiri uu jaban yahay shidaalka, isagoo Xukuumada Somaliland ugu baaqay inay wax ka qabato.

“Somaliland waxay ku jirta wadamada ugu laydhka ama korontada ugu qaalisan dunida iyo deegaanada Soomaalida oo dhan, Somaliland waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ugu laydhka qaalisan ee aanay iska bixin karin shacabkeedu” ayuu yiri xoghayaha

Korontada Somaliland ayuu sheegay iney bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay, laydhkii ay lahayd xukuumada ee a qiimihiisu uu jabnaana ma jiro.

“Dawladdnimada macnaheeduna waxa weeye in shacabka cashuur bixiyeyaasha ah ay helaan addeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, Korontada, Jidadka iyo dhamaanba baahiyaha aasaasiga ah” ayuu intaas ku daray.

“Haddii dawladnimada macnaheedu intaa bixin karaynin, ma samaynayo dhadhan macnaheedu, waxaanu xilweyni ka saaran yahay oo loo baahan yahay in dawladdu adeeg Laydh ay bixiso oo jaban oo dadku ay bixin karaan, ama in ganacsatada Laydhka guud ahaan Somaliland ka shida in lala xisaabtamo oo lagu kor-joogteeyo qiimaha korontada” ayuu yiri Maxamed Sidiiq Dhame.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -