(Sawirro) Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay Nebinimo oo lagu dhex dilay Maxkamad

Qof hubeysan ayaa toogasho ku dilay Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday.

Ninkan ayaa maxkamad la soo taagay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay Nebi.

Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteedu noqon kartaa dil waase hadii ay xukunto Maxkamad, inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas.

(Tahir Ahmad Naseem) Ninka la dilay ee sheegtay Nebinimada

Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.

Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan, iyadoo Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada laga arkayo meydkiisa oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda.

Ninka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta. Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku qeylinaya ninka uu dilay, kuna tilmaamaya cadowga Islaamka.

NINKA HUBEYSAN EE DILKA GEYSTAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -