Acmaasha Xajka oo ka bilaabatay dalka Sacuudiga & dad kooban oo gudanaya (Sawirro)

Waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeyb qaadanaya Acmaasha Xajka ee sanadkan oo bilowday maanta oo arbaco ah sababo la xiriira cudurka Coronavirus awgeed.

Dowlada Sacuudiga ayaa mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makka, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan.

Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa sanad kasta Xajka guta, hase yeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 (Toban kun oo qof).

Xujeyda ayaa caawa ku hoyanaya magaalada MINA, waxayna Berri oo Khamiis ah, kuna beegan 9-ka bisha Dulxaj oo ah maalinta Carafo ay u kalihi doonaan bannaanka Carafa, wuxuuna xajku socon doonaa 5 maalmood.

Dowladda Sacuudiga oo qaaday tallaabooyin looga hortegayo faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa qof waliba oo xajinaya siiyey boorso ay ku jirto qalab caafimaad oo ay ka mid yihii:n Dareeraha looga hortago faafitaanka cudurka, Dhagaxyadii la tuuri lahaa, Gafuur-xiryo, Sajaayad iyo Dallad, waxaana xaaji kasta gacanta loogu xiray xarig elektronic ah oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqiisa.

Xujeyda sanadkan 1441 Hijriyada waxaa mid kasta laga baaray cudurka Coronavirus intii aysan magaalada Maka gelin, waxaana laga rabaa markii uu xajka dhammaado inay galaan karaantiil muddo 14 maalmood ah, iyadoo inta uu socdo xajka ay waajib ku tahay inay kala dheeraadaan oo aysan isu dhowaan.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa sidoo kale gudaha Xaramka ka sameysay Isbitaallo guurguura iyo kuwa rasmi ah oo la tacaala xaaladaha ka dhalan kara xajka oo uu ka mid yahay cudurka Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -