(Sawirro) Belad-weyne oo sanad gudihiis qarka u saaran fatahaadii Saddexaad

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo ay wehliyaan agaasimayaal ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  guddiga ka hortagga fatahaadda Beledweyne ayaa waxay  kormeereen goobaha uu ka soo jabsado wabiga Shabeelle xilliyada uu wado biyaha aadka u badan .

Masuuliyiinta ayaa kormeer indho-indheyn ah ku sameeyay dhammaan goobaha laga cabsi qabo inuu markale fatahaad ka sameeyo wabiga, Waxaana ay ka dambeysay kaddib markii saacadihii lasoo dhaafay ay billowdeen Roobabkii deyrta .

Guddoomiyaha guddiga ka hor-tagga fatahaadaha Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa  sheegay inay billaabeen qorshayaal ay kaga hortagayaan fatahaadda wabiga uu sameeyo markale.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay ka qeyb-qaadato dadaallada dadka reer Beledweyne ugu jiraan  sidii looga hortagi lahaa  fatahaadaha soo laalaabtay.

“Waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa sida ay hore inoogala shaqeysay howsha adag ee aan ugu jirno ka hortagga iyo sidoo kale samata bixinta dadkii ay hore u saameeyeen fatahaadihii ka dhacay Baladweyne ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Waa fatahaaddii seddexaad ee ka dhacday Magaalada Beledweyne  muddo hal sano  gudaheed ah waxaana dadka ay codsanayaan in wax laga qabto xaaladahaan soo laa laabtay ee aafeeyay dad iyo duunyo waxii ku nolaa magalaada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -