Madaxa barnaamijka CIP ee World Bank iyo Wafti uu hogaaminayay oo Gaaray Garawe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  xafiiskiisa kulan kula  Qaatay Madaxa mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP (Capacity Injection Project) ee World Bank Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu la qaatay Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo  ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar kamida saraakiisha xafiiska World Bank ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa Mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP Capacity Injection Project World Bank  Mr. Gregory ayaa daarnaa isxog wareysi guud, ukuurgelidda habsami u socodka mashruuca iyo dhammaystirka qabyo qoraalka qorshaha 2019 ee hay’addaha dowladda.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Bangiga Aduunku ay ka hayaan Puntland iyo guusha uu gaaray Masruuca CIP mudadii uu shaqaynaayey ee ahay 4-ta sano, isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu qirey in Dowladda Puntland diyaar u tahay ka faa’iidaysiga mashaariicda World Bank  si guud iyo si gaar ah ba  Mashruuca CIP.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha  Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qayb ka ahaa aasaaskii Mashruuca CIP Capacity Injection Project World Bank markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -