Ciidanka Liyu Boolis oo soo bandhigay Maxaabiis & hub ay ka furteen Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidanka gaarka ah ee Dawlad degaanka Soomaalida oo in howlgal ay ka fuliyeen gudaha Somalia ay ku soo qabteen maxaabiis ka tirsanaa Al-shabaab iyo hub kala duwan

saraakiisha ciidanka Liyu Boolis ayaa sheegay in howlgalka ay ku beegsadeen mid kamid ah saldhigyada Al Shabaab ee ku yaala gudaha Soomaaliya.

“Maxaabiis uu ku jiro sarkaal sare oo kooxdan ka tirsan, hubkii ay wateen, Isgaarsiintii ay adeegsanayeen iyo agabyo kale ayaa la soo qabtay, si looga hortago isku dayadooda amniga ka dhanka ah” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidanka Liyu Boolis.

Ciidanka Liyu Boolis ma sheegin goobta uu ku yaallo saldhiga Al-shabaab ee ay howlgalka ka sameeyeen, waxaana arritan ay ku soo aadeysaa xili maalmihii la soo dhaafay labada dhinac ay dagaalo culus ku dhexmareen degaano ku teedsan xadka Somalia iyo Itoobiya.

Labada dhinac ayaa dagaaladan ka sheegtay guulo, waxaana dhinac walba uu sheegtay inuu dhinaca kale ka dilay boqolaal askari.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

- Advertisement -