Maraykanka oo duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyey gobolka Shabeellaha dhexe

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey duqeyn cirka ah oo ka dhacday Gobolka Sh/Dhexe degaan ka tirsan.

Dayuurad ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa gantaalo ku weerartay Bar kontrol oo Alshabaab ku leeyihiin degaanka Hantiwadaag ee gobolka Sh/dhexe.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay Mid ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab iyadoo lagu burburiyey Bartii Alshabaab ku lahayd halkaasi oo la sheegay inay ku dhibi jireen dadka ku socdaala wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Sh/Dhexe, loogana qaadi jiray lacago sharci daro ah sida warka loo dhigay.

Taliska AFRICOM iyo Dowladda Federaalka ayaa sheegay in duqeyntan aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee halkaas ku nool

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Duqeyn ah oo Ciidamada Mareykanku ka fuliyaan Gobolka Sh/Dhexe tan iyo sanadkii 2017, iyadoo gobolka uu noqday meel Al-shabaab ay mudooyinkan ku xoogeysaneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -