Dowlada oo lacag siisa Warbaahinta Madaxa banaan qaarkood iyo Shuruudo ku xiran

Sanad walba 3 May waxaa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Saxaafadda Addunka, waxaana looga hadlaa caqabadaha jira iyo dhibaatooyinka heesta saxaafadda xorta ah.

Soomaaliya waxaa soo maray maamulo kala duwan oo saxaafadda ula dhaqma hadba sida ay doonaan balse dolwaddan hadda jirta waxey saxaafadii dalka u kala qeybisay Qaran Dumis iyo Nabad iyo Nolol.

Warbaahinada xorta ah ee ka howlgasha dalka waxey qaarkood u sacab tumaan dowladda oo ma sheegaan wax walba oo run ah waxeyna buunbuuniyaan qoraalo iyo muuqaalo lagu soo diyaariyay xafiisyada ugu sareeya dalka sida kan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo laga howleliyay Wariyeyal loo carbiyay sida dowladda loogu dhaho waxey rabto.

Warbaahinta sida dhaw ula shaqeysa dowladda waxey heshaa lacago loogu talagay, waxaana ka mamnuuc ah iney daayaan muuqaalka/qoraalka/codka siyaasiyiin, shaqsiyaad iyo koox  ka soo horjeeda dowladda ama mucaarad ku ah sidoo kale ma tabin karto war walba oo dowladda lagu dhaliilayo ama dowladda loogu sheegayo waxa ka qaldan.

Waxaad ka daawan kartaa oo sidoo kale ka dhageysan kartaa ama ka akhristan kartaa mas’uuliyiin dowladda katirsan iyo kuwa dalka xilal ka soo qabtay oo indhaha iyo dhagaha intey istiraan amaan iyo taageerid aan xad la heyn kala dul dhacaya dowladda, shacabkana u sheegaya wax aysan ka arkin dowladooda ama aysan ka maqal, warbaahinta nuucaas ah waa Nabad iyo Nolol.

Sidoo kale dalka waxaa ka howlgala TV, Idaacad iyo Warside/ website oo dhaxdhexaad ah cidna aan taageerin sidoo kale aan koox gooni ah ka soo horjeedin bulshadana u soo gudbiya  warar dheelitiran oo hufan oo labada dhinac ah cidna lagu ciilin, koox gooni ahna lagu farxad gelin.

Waxey bulshada u gudbiyaan  wixii ka run ah dowladda iyo waxa ay qabatay ama u qorsheysan iyo sida ay hadda tahay oo aan buunbuunin laheyn, waxey soo gudbiyaan kaliya warka runta ah iyagoo ilaaliyaan xeerka saxafaadda,  sidoo kale waxey banaanka keenaan xogaha saxda ah ee bulshada heli karin, waxey baahiyaan ama qoraan wararka mucaaradka dowladda iyo qof kasta oo xaq u leh in codkiisa la maqlo, dhexdhaaxdna kama noqdaan danta dalka.

Warbaahinta nuucaan ah waxey soo dhaweysaa aragtiyada kala duwan ee bulshada ee  dowladda wax ku biirin karta ama dhaliilsan ee sheega waxa ka qaldan, sidoo kale waxaa u furan mas’uuliyiinta dowladda oo codkooda ay gaarsiiyaan umadda.

Warbaahinta saxda ah ma ahan mid dhinac u janjeerta iyadoo sheeganeysa magaca warbaahin madax banaan maadama xisbi ama urur gooni ah uusan laheyn oo lagu ogyahay, marka laga reebo warbaahinta dowladda.

Saxaafadda saxda ah hal dhinac ma eegto waxey tabisaa asalka warka runtiisa, mana caburiso warka muhiimka ah sidoo kale kama been abuurto xog ama qoraal dhab ah.

W/Q: Wariye Abdiaziz Hassan Ibraahim (Loyal)

Gmail: Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -