Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka dad loo malaynayo Soomaali oo laga helay keyn ku taalla gobolka Safola

Mayaddka dad loo maleynayo Soomaali ayaa Axaddii laga helay kayn ku taalla gobolka Sofala ee dalka Mozambique.

Dadweynaha ku nool agagaarka goobta mayadka dadkan laga helay ayaa dareemay ur ka soo baxeysa keynta iyagoo marka kadibna booliska ku war geliyay arrintaasi.

Shaqaalaha xafiiska dambi-baarista ee qaybta caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Mozambique ayaa tagay goobta laga helay meydadka.

Ilo wareediyo kala duwan ayaa VOA-da u sheegay in dadkan dhintay loo malaynayo inay ku dhex dhinteen koontaynar lagu dhex xiray iyaga oo ka dhuumanaya booliska dalkaasi

Booliska dalka Mozambique ayaa ballan qaaday inay samaynayaan danbi baaris lagu ogaanayo xaqiiqada arrintan.

Soomaali fara badan oo damacoodu ahaa iney qaab tahriib ah ku galaan wadanka Koonfur afrika ayaa horey meydadkooda mlooga helay dalal afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Tanzania, Mozambique iyo dalal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhallinyaro Soomaali iyo kuwo kale oo lagu qabtay Ka-Ganacsiga Mukhaadaraadka

Cabdi Cade

Madaxweyne muddo labo jeer ah afgembi ku qabsaday xukunka oo geeriyooday

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo dilay xubno katirsan Al Shabaab dabna qabadsiiyay mootooyin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---