Maxkamada sare ee Mareykanka oo xukuntay go’aan hurdo la’aan ku riday Trump

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa xukuntay in kooxda dacwad oogeyaasha ah ee baaritaanka ku haya nidaamka canshuur celinta ay eegi karaan xogta Maaliyadeed ee Madaxweyne Donald Trump.

Go’aankan ayaa ka dhigan in saraakiisha dacwad oogeyaasha ee ku sugan magaalada New York ay hadda awood u leeyihiin inay gacanta ku dhigaan macluumaad laga ilaalinayay.

Qareennadiisa ayaa ku dooday in xasaanaddiisa ay u sahleyso inaan howlihiisa gaarka ah la faragalin karin inta uu xilka hayo, iyagoo sidoo kale xusay in Congress-ka aysan heysanin marmarsiiyo ku filan inay helaan xogta dhaqaalaha Madaxweynaha.

Balse, kiis kale oo kaas la xiriira ayey maxkamaddu xukunkeeda ku qeexday in aysan khasab ahayn in xogtaas xasaasiga ah lala wadaago Aqalka Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ee kasoo horjeeda madaxweyne Trump.

Baaritaannada lagu howlan yahay waxay khuseeyaan eedeymo la xiriira inay jiraan lacago uu si khaldan u isticmaalay qareenkii hore ee Mr Trump, Michael Cohen, kuwaasoo la sheegay inuu siiyay haween – Stormy Daniels oo jisha filimada anshax xumada ah iyo Karen McDougal oo horay uga mid ahaan jirtay dumarka dharka xayeysiiya.

Labadooduba waxay sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen Mr Trump. Laakiin madaxweynuhu wuxuu dafiray inuu wax xiriir ah lasoo yeeshay.

Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah  tan iyo wixii ka dambeeyay madaxweyne Richard Nixon oo qariyay macluumaadkiisa ku saabsan canshuur celinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -